Xiisadda Kosovo iyo Serbia oo kasii dartay iyo Belgrade ‘oo heegan gelisay’ ciidankeeda

Date:

Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa toogashooyin ka dhacay iyo jidgooyooyin laga sameeyey waqooyiga Kosovo oo ay degan yihiin dad asalkoodu yahay Serbiyiin.

Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-baani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Ciidamada Serbia ayaa dhowr mar heegan la geliyey sanadihii tegay sababo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Kosovo — waxaana ugu dambeeyey bishii November kadib markii Belgrade ay sheegtay in diyaarado drone ah oo ka yimid Kosovo ay soo galeen hawadeeda.

10-kii December, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Jidgooyooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay sare u kacday toogashooyinka lasoo werinayo, waxaana ugu dambeysay fiidnimadii Axadda, sida ay sheegeen ciidamada nabad-ilaalinta ee NATO ee KFOR.

“Madaxweynaha Serbia… wuxuu amray ciidamada Serbia in la geliyo heerkii ugu sarreeyey ee dagaal, kaasi waa heerka adeegsiga ciidamada,” ayuu yiri wasiirka difaaca Milos Vucevic oo bayaan soo saaray Isniintii.

Waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Aleksandar Vucic uu amray in sare loo qaado ciidamada gaarka ah oo hadda ah 1,500 lana gaarsiiyo 5,000.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Serbia ayaa sidoo kale ku dhowaaqday “dhammaan cutubyada waxaa la hoos gayn doonaa taliska madax guud ee ciidanka.”

Amarrada Vucic ayaa yimid kadib markii madaxa ciidamada General Milan Mojsilovic loo diray xuduudda Kosovo Axaddii.

Xaaladda Waqooyiga Kosovo ayaa kacsaneyd tan iyo bishii November, markii boqolaal shaqaale oo isirkoodu yahay Serbiyiin kanaa tirsan booliska Kosovo, iyo sidoo kale laamaha cadaaladda sida garsooreyaal iyo dacwad-oogayaal ay shaqada ka baxeen, ayaga oo ka mudaaharaadaya go’aan muran dhaliyey oo Serbiyiinta ku nool Kosovo looga mamnuucay inay adeegsadaan taargooyinka baaabuurta ee ay soo saarto Belgrade.

Go’aanka ayaa waxaa markii dambe ka laabatay Pristina hase yeeshee shaqo joojinta wadareed ayaa sababtay gaabis amni.

Pristina ayaa isku dayday inay waqtiyeyso doorashooyinka dowladaha hoose ee ay ku badan yihiin Serbiyiinta 18-ka December — hase yeeshee waxaa la hakiyey kadib markii go’aankaas uu abuuray caro xooggan, islamarkaana xisbi siyaasadeedka ug weyn Serbiyiinta uu sheegay inuu qaadacayo.

Kadib, 10-kii December, sarkaal hore oo boolis oo lagu tuhunsan yahay weeraro ka dhan ah saraakiisha boolis ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta ayaa la xiray, taasi oo ka careysiiyey Serbiyiinta kuwaas oo dhagxaan ku gooyey waddooyinka, islamarkaana curyaamiyey isu socodka gaadiidka ee laba marin xuduudeed.

Saacado kadib markii jidgooyooyinka la sameeyey, booliska Kosovo ayaa sheegay in lagu soo qaaday saddex weerar oo hubeysan oo ka dhacay waddooyinka gala xuduudda.

Ciidamada nabad-ilaalinta NATO ee KFOR, ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyey ay dhaceen Axaddii markii xabado lagu soo furay ciidamada Latvia ee qeybta ka ah KFOR, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Kosovo.

KFOR ayaaa sheegay inay baarayaan dhacdadan, waxayna intaas ku dareen “inaysan jirin wax dhaawac ama khasaare hantiyeed ah.”

Ra’iisul Wasaaraha Serbia Ana Brnabic ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in xaaladda Kosovo “ay qarka u saaran tahay dagaal hubeysan.”

Golaha Amniga Kosovo oo kulmay Axaddii ayaa ku eedeeyey Serbia xiriirka sii xumaanaya, waxayna sheegay in dalka deriska ah ee waqooyi “uu ku dhaqmayo wax kasta oo ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Kosovo”.

Serbiyiinta waa 120,000 oo ka mid ah 1.8 milyan ee qof ee ku nool Kosovo.

AFP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...