?????? ?????? ?? ?????? ??????????? oo ?????? ???????? ?? ??????

Date:

Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalay Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud kaasi oo maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa shirkan uga wada hadli doona nidaam garsoor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, kuwaasi oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii ku soo baxay warmurtiyeedkii Madasha Qaranka 3-aad ee lagu qabtay Muqdisho bishii Sebteembar.

Inta uu socdo shirka Golaha Wadatashiga waxaa madaxdu ay iska wareysan doonaan xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaariijta ah oo guulo waaweyn laga soo hooyay.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...