Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaashaanle Sare Maxamed Carabow Cali iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga ee Degmooyinka dhaca qeybta Bari in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmada, sida Nadaafada, Bilicda, Dib-u-dhiska, wax ka qabashada kiisaska Amniga, Cayaal weerada iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...