Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo oggolaaday in gobolka Tigray ay tagaan kormeereyaal ka socda Midowga Afrika

Date:

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.

Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo afjaridda colaadda laba sano jirsatay.

Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.

Heshiiskan oo lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri Kenyatta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...