Munaasabad lagu maamuusayay โMaalinta Qarannimada Qatarโ oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Masโuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.
Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi ayaa sheegay in Dalkiisa uu xoojinayo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha & Dhaqanka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qatar isaga oo sheegay in Dooxa ay garabtaagan tahay Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dalkiisa uu sanadkaan 2022 martigeliyay Koobka Adduunka 2022 oo hadal heyn badan dhaliyay, fariin uu ka waday Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad ayuu la wadaagay Masโuuliyiinta uu ugu derajo sarreeyay Raโiisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.
โWaxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ahโย Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi.
Raโiisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa oo dhankiisa jeediyay khudbad uu uga hadlay xiriirka labada dal, kaalmada Qatar ee Soomaaliya & danaha ay wadaagaan ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixineyso Xukuumadda Dooxa.
Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay in Qatar ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in si wanaagsan oo soo jiidasho leh in ay u martiqaadeen daneeyaasha Kubadda Cagta, ciyaartoyda & Madax kale.
โWaxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qurโaanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiinโย RW Xamsa Cabdi Barre.
Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo inkasta oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, qayb waa qabyo halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye, Dooxa ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Muqdisho.
