Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalay Shirka Maamulka Daymaha

Date:

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalay Shirka Maamulka Daymaha oo ay soo qabanqaabisay Madasha Ganacsiga iyo Hormarka Qaramada Midoobay ee UNCTAD.

Shirkan ayaa lagu lafaguray qodobbo muhiim ah oo ku saabsan maamulka daymaha iyo maaliyadda guud, iyada oo xoogga la saarayo siyaasadaha xalka loogu raadinayo caqabadaha daymuhu ay ku leeyihiin dawladaha dunida xilligan xasaasiga ah.

Hantidhawraha Qaranka ayaa intii uu kulanku socday waxaa uu sidoo kale shir-doceed la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha UNTCTAD Mudane Pedro Manuel Moreno, iyagoo isla sooqaaday sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daahfurnaanta maamulka daynta.

Soomaaliya waxay xusulduub ugu jirtaa inay gaarto bar-dhammaadka hannaanka dayn cafinta (HIPIC) kaasi oo dalka u sahli doona in laga cafiyo dhammaan deymiha uu horay u galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...