Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta Magalada Garoowe ka daah-furay shirweynaha arrimaha Diinta ee Puntland

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.

Madaxweyne Deni wuxuu la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada Dalka oo laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan, waana sababta loo rabo in Dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.

Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...