Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...