Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug

Date:

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wahliyaan Wasiirka Gargaarka Galmudug Abdirahman Makkaawi iyo Duqa Magaalada Dhuusamareb ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga ah, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Galmudug.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xaruntaan taas oo uu oga mahadceliyay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

Ugu danbayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Duqa Caasimadda Galmadug Geedaqorow sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso xarun loogu adeeggo shacabka Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...