Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Si wada jir ah xariga uga jaray cusbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cusbitaalkaan oo fulin doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah ayaa kaalin muuqda ka qaadan doono daboolida baahiyaha Cafmaad ee degmada waxa uuna kusoo aaday xali bulshada deegaanadaan ay u qabeen baahi wayn.