Waxgaradka Gobolka mudug oo Galkacyo kaga arinsaday Dagaalka Khawaarijta

Date:

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed isla markaana ujeedkiisu ku qotamay labo qorshe oo kala ah dar dar galinta sifeynta haraadiga khawaarijta argagixisada Al shabaab iyo xoojinta Nabadda iyo dib u heshiisiinta ka jirta Gobalka Mudug ayaa maanta qabsoomay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed xuseen shire Bukhaari qaar ka mida odayaasha dhaqanka beelaha gobalka mudug iyo xubno ka socday bulshada qeybahooda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed waxaana uu ka warbixiyay ujeedka kulanka iyo howsha adag ee. hortaala bulshada Gobalka mudug oo uu xusay in qof kasta uu xil ka saaran yahay bad baadada dalka iyo xoreynta dhiigyo cabyada ma naxayaashaa ee khawaarijta Argagixisada Al shabaab

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa iyaguna ka hadlay Qaar ka mida odayaashii dhaqanka iyo xubnihii ka socday ururada bulshada kuwaa oo bogaadiyay howlgallada sifeeynta khawaarijta ee ka socda dalka iyagoona ka dhawaajiyay in bulshada gobalka mudug horay ay door muhiim ah uga qaateen dagaalka lagula jiro khawaarijta haddana ay diyaar u yihiin in ay doorkooda uga qaataan naf iyo maal.

Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa ugu danbeyn kulan ka hadlay waxaana uu sheegay in xiligaan ay tahay waqtigii ay soo afjarmi lahaayeen Khawaarijta Al shabaab bulshada gobalka mudugna ay ahaayeen waligood dad aan marnaba ogalaan gumeysiga iyo fikirka aan diinta islaamka wax raada ku laheyn ee argagixisada sidaa darteedna ay u diyaar yihiin shacabka gobalka mudug garab istaaga ciidamada qaranka ee ku howlan ciribtirka Kooxda naf la caarigaa ee gabalkoodu sii dhacayo ee khawaarijta Argagixisada Al shabaab

Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed xuseen shire u Bukhaari ayaa uga mahad celiyay qabashada kulanka suldaanka guud ee beesha sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo uu xusay inuu yahay shaqsi u hogaamin kara bulshada wadada lagu sifeynayo haraadiga nabadiidka al shabaab..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...