Ra’iisul Wasaare Hamze oo si xooggan u cambaareeyay Qarax ka dhacay magaalada Istanbul iyo qasaaraha ka dhashay weererkaas oo kordhay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono

Dhinaca kale Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay barasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku wareegayay dusha sare iyadoo gawaarida gurmadka degdega ay halkaasi gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...