Qoysas abaaraha Sameen ku yesheen oo Gaalkacyo Raashin loogu qeybiyey

Date:

Sideed Boqol Qoys oo isugu jira qoysas abaaraha kusoo xoola beelay iyo kuwa ay soo dhibaateeyeen kooxda khawaarijta Al-Shabaab iyo Naafada magaalada Galkacyo ayaa maanta la gaarsiiyay deeq raashin Gar-gaar ah oo ka timid Hay’adda Boqor Salmaan taas oo qeyb ka ah deeqo la qorsheynayo in la gaarsiiyo ilaa afar kun oo qoys oo ku nool deegaanada Galmudug .

 

 

Qeybinta deeqda oo ay iska kaashanayaan Wasaarada Garr-gaarka Galmudug iyo hay’adda Tadaamun ayaa ugu horeyn ka warbixiyay masuuliyiintii ka socatay  Hey’adda Tadaamun .

 

Qaar ka mida xubnihii ka socday qoysaskii ka faa’ideystay oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa iyaguna xusay in ay baahi weyn u qabeen.

 

 

 

Labo boqol oo qoys oo ku nool dagmada wisil oo ka mida deegaanada jabka iyo halaaga ay kala kulmeen nabadiidka al shabaab ayaa sidoo kale la gaarsiiyay deeqda ka timid Hay’adda Boqor salmaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...