Wasiirka caafimaafka Xukuumada soomaaliya DR Ali Haji Adam ayaa Galabta Garoonka aadan cadde ka sagootiyay 4 ka mid ah Dadkii dhaawacyada Culus kasoo gaareen weerarkii bahalnimo ee Khawaarijtu ka geesatay 29-Octobar isgoyska Zoobe.
Wasiirka ayaa sheegay In Gurmadka walaalaha Turkiga Uu ku Yimid Kajawaabidda Codsigii Madaxweynaha Qaranka eek u aadanaa in saaxiibada soomaaliya ay qayb ka qaataan caawinta dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Gumaadka Khawaarijta oo dagaal adag ay kula Jirto Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed.
Wasiir cali ayaa sidoo kole sheegay in dhawaan dalka aay soo gaarayaan dhakhaatiir ka socota dalka itoobiya si ay qayb kaga Noqdaan baxnaaninta dadkii qaraxyada ku dhaawacmay,
sidoo koleWasiirka ayaa Dowlada Turkiga Oga mmahadceliyay Gurmadka walaalnimo iyo u dhaga Nuglaanshaha Dhibaatadii gaartay dadka soomaaliyeed.
Waxaa uu wasiirku sidoo kole u Mahad celiyay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed eek a howl gala Gudaha Dalka kuwaasi oo uu sheegay inay naftooda u Horeen badbaadinta dadkiii waxyeeladu kazoo gaartay Qaraxii Zoobe2.