Wasiirka amniga Galmudug oo Cadaado Tababar ugu soo xiray 200 Boolis ah.

Date:

Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...