[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweynaha JFS oo maanta qaabilay Xoghaya guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

 

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...