Ciidamada Galmudug iyo Dadka deegaanka oo la wareegay Deegaanka Qaayib iyo Galmudug oo ka hadashay

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan macawislayda deegaanka ayaa Maanta  la wareegay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km.

 

Saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ciidanku ay dagaal la’aan kula wareegeen Qaayib, haatana ah deegaano kale argagixisada ku sii baacsanayaan.

 

Qaayib oo in ka badan 6-sano ay maleyshiyaadka Al-shabaab fariisin ku lahaayeen ayaa waxaa ku tiilay maxkamad beenaad ay ku xalaalaysanayeen xoolaha dadka shacabka ah.

 

Dhinaca kale galmudug ayaa bogaadisay howgalkaan iyada oo war saxafadeed ka soo saartay

 

Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankaba  ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ee Shabaab

Qaayiib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...