Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay galinkii danbe booqasho ku tagay magaalada Garoowe.
Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladd goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, waxaana kulanka Cashada kadib Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida lagu maamusay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Madaxtooyada Puntland.