DFS oo Wax ka badal ku Samaysay Heshiiska Shidaalka Soomaliya.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...