Madaxweyne Xasan oo Lakulmay Wasiirada Waxbarashada Maamulada.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka goโ€™antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

โ€œWaxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.โ€

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray daโ€™da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...