Guddigga Difaaca Golaha Shacabka BJFS ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka socda dalka ee la gula jiro kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.
Guddigga ayaa ku booriyay siyaasiyiinta,culama-udiinka,dhalinyaradda,bulshada rayidka iyo ganacsatadda in ay taageero buuxda u fidiyaan ciidanka xoogga dalka oo gaashanaayo dadka deegaanka si dalka looga saaro kooxaha dhagar qabayaasha ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.