Wasiirka Dhalinyarada Oo Itobiya u aaday Dhiirigalinta Xulka.

Date:

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia, si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa Qaar kamid ah Wasiiro heer dowlad goboleed ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...