Cidamo ka Gurmaday Galmudug oo Gaaray Hiiraan..

Date:

Cutubyadan ka tirsan ciidamada xoogga dalka, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo kasoo dhaqaaqey fariisimohooda gobolka Galgaduud ayaa soo gaarey deegaanada Yasooman iyo beero-yabaal ee gobolka Hiiraan si ay gacan kaga gaystaan howlgalada gobolka ka socda ee ay kuwada jiraan Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka.
Ciidankan oo Guriceel kasoo dhaqaaqey ayaa soo marey jidka isku xira Guriceel iyo maxaas, iyagoo uga sii gudbay Baladwayne oo ay markaa kadib kaga sii talaabeen dhanka Yasooman waxaana safarkoodan uu qayb ka yahay gurmadyada is dabajooga ah ee gaaraya gobolka si loosii labo jibaaro howlgalka socda, loogana guuleesto Argagaxisada oo maagan dhagaro ay dhowr jeer isku dayeen kuwaa oo ay ku hungoobeen hadafkii ay ka lahaayeen ee ahaa in ay joojiyaan gulufka socda.
Galmudug oo ay uu tahay markii labaad ee ciidamada fariisimohoodu halkan yihiin u gurmadaan dadka reer Hiiraan ayay hore kaga bexeen Dhuusamareeb Ciidamada ururka 3-aad ee Gorgor oo fadhi rasmi ah ka dhigtey Yasooman, qaybna ka qaatey dib ugu laabashada deegaankan
Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad Gaashaanle Cabdifataax Haruuuse Daahir oo hoggaaminta ciidankan ay ku wehliyaan Taliye kuxigeenka guutada Gaashaanle Xirsi Cali Quuri, Taliyaha ururka 72-aad ee guutada 15-aad Gaashaanle Cabdulaahi Dhimbil, gudoomiyihii hore ee Degmada matabaan Maxamed dhoobeey Maxamuud iyo saraakiil sare oo qaybta 21-aad ka tirsan sida Col. Xuseen Salaad Ibraahim ayaa si dhiiran ugu safrey masaafadaasi dheer si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran ilaalinta nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed ee Argagaxisadu duulaanka ku tahay.
Saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in isku gurmadka Ciidanka xoogga dalka uu ka dhigan yahay fursad weyn oo marag ka ah in cadawgu tabar dhigey lana joogo waqtigii Shacabka Soomaaliyeed ay Iska dul qaadi lahaayeen iyagoo kaashanaya ciidankooda oo markan u diyaarsan gudashada waajibkaasi qaran.
Deegaanada Yasooman iyo beero-yabaal oo dhowr isku day oo Argagaxisadu soo abaabushay ay kala laabatey jab xooggan ayaa iminka u muuqda kuwo aan noqon doonin difaacyo cadawga lagu sugo balse ka dhignaan doona goobo casharadii taarikhda u gali lahaa loogu qoray Argagaxisada oo fiig iyo firxadkii ay ka qaadeen nabarada la gaarsiiyey aan wali niyada ku heynin meelihii ay nasiinada ka day dayan lahaayeen maadaama ay ogyihiin in ay sii daba joogi doonaan wiilasha iyo gabdhaha u carbisan difaaca wadanka ee xoogga dalka iyo Xaq udirirka reer Hiiraan ee dhulkooda intiisa badan cadawga dhaafiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...