Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya

Date:

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....