Kalfadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo ayaa maanta u furmay Golaha Deegaanka Dagmadaasi

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5aad ee Golaha deegaanka Dagmada kulankiisii koowaad kaa oo ka qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.

Kalfadhigaan ayaana waxaa ka soo qeyb galay gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xoghayaha Dowladda Hoose, Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa koowaad ayaa waxaa diiradda lugu saaray lana soo jeediyay ajandayaal dhowr ah isla markaana ay ka mid ahaayeen miisaaniyad sanadeedka 2023_2024Xeerka ganacsiga Warbixinta kalfadhiga iyo kulanka dadweynaha.

Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaana  ugu danbeeyn si aqlabiyad leh ku ansixiyay ajandayaashii maanta la horkeenay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...