Inka Badan 500 oo Qoys oo kasoo Cararay Argagixisada Alshabaab ayaa Soo gaaray Dhuumasareeb. (SAWIRO).

Date:

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku dhawaaqey in qoysas kor u dhaafaya 500 qoys oo ay soo barakiciyeen Argagaxisada Alshabaab ay soo gaareen magaalada Dhuusamareeb kuwaa oo deegaameestay kaam dawacooleey oo ku yaala duleedka Xaafada dayax ee magaalada Dhuusamareeb.

Dadkan oo ka soo barakacey boobka iyo af duubka kooxdu ku heyso dadka dagan deegaanada ay ka joogaan argagaxisada gobolka Galgaduud ayaan wadanin agab iyo hanti kale toona, waxaana qaarkood caruurtoodu iyo xoolihiiba kala harey Argagaxisada oo isku dayaysa in ay gabad ka sii dhigtaan Shacabka.

Nuur siyaad raage oo madax ka ah kaamka qoysaskani kusoo barakaceen iyo Axmed Saciid Maxamed oo ah gudoomiyaha xaafada dayax oo ka waramay duruufaha dadkani heysta ayaa Sheegay in Dadkaan Ay Naf iyo Maalba aay Dhibaato kasoo Gaartay Kooxaha Argagixisada ah islamarkaan Aay hadda Naftooda kala Soo Baxsadeen.

Cabdixakiin Cabdulaahi Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Dhuusamareeb iyo Cabdisamad salaad Aadan gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Dhuusamareeb ayaa dhankooda sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaaa sidii wax uun looga qaban lahaa duruufaha ay wajahayaan qoysaskana, iyagoo baaq u diray hey’addaha samafalka iyo cid kasta oo wax kala qaban karta caawinta shacabkan.

Dagaalka Kacdoonka Shacabka ayaa Siweyn oga Bilowday Gobolada Mudug, Galgaduud Hiiraan Ilaa Baay iyo Bokool waxayna Tani Noqon Doonta Cirib tirka Kooxda Argagixisada Alshabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...