Madaxweyne Xasan sheekh oo ka qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...