Madaxda caalamka oo ku sii qul-qulaya UK si ay uga qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth

Date:

Boqor Charles ayaa maanta boqollaal madaxda caalamka ah iyo marti sharafeed boqortooyooyinka dunida ka socda kula kulmi doona qasriga Buckingham , iyadoo maalinta berri ah loo diyaar garoobayo aaska boqorad Elizabeth.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.

Raysal wasaareyaasha Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan Londona.

Xaaska boqor Charles, Camilla, ayaa khudbad la sii duubay uga qyeb qaadaneysa macsalaameynta boqoradda.

Raysal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay inay la kulmi doonto boqorka, amiirka  Wales iyo raysal wasaaraha Britain kahor aaska booqradda, iyo in sidoo kale ay Westminster Hall uga qeyb galeyso munaasabadda aaska.

Iyadoo ku sugan UK, oo ay u timid aaska boqoradda, ayaa Arden waxay sheegtay in dadka reer New Zealand ay ka siddo tacsi.

Waxay sidoo kale sheegtay inay la kulmi doonto raysal wasaaraha Britain Liz Truss.

Waxay intaa raacisay in laga yaabo inay kala xaajooto  arrimaha Ukraine iyo heshiiska ganacsiga xorta ah ee UK iyo New Zealand.

Baarlamaanka UK ayaa dhanka kale xaqiijiyay in maxdaxda Shiinaha lagu casuumi doono ka qeyb galka aaska boqoradda.

Safiirka shiinaha ee UK ayaa laga mamnuucay baarlamaanka UK sababo la xiriira cunaqabateyn uu shiinuhu saaray shan xildhibaan oo UK u dhashay.

Iyadoo mamnuuciddaas ay meel taallo ayaa baarlamaanka UK wuxuu sheegay inaysan saameyn doonin saraakiisha kale.

Madaxweynaha shiinaha Xi Jinping ayaa ku jira liiska martida lagu causumay aaska booqradda balse looma maleynayo inuu ka soo qeyb galayo.

Dhammaan dalalka uu xiriirka diblomaaisyadeed kala dhaxeeyo UK ayaa lagu casuumaa munaasabadaha aaska qaran ee dalkaas.

 

Dhaxal sugaha booqrtooyada Sacuudiga Maxammed Bin Salmaan ayaa isaguna ka mid ah martida lagu casuumay aaska, inkastoo ay cabasho ka timuid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...