Dowladda Soomaliya oo cambaareysay falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda Al-shabaab ku dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Gobolka Hiiraan

Date:

Mogadishu, 17-09-2022: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah:

(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

(2)  Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3)  Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare

Sidoo kalena lagu dhaawacay  Nabaddoon Axmed Xasan.

Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay  Al-shabaab askareeyaan.

Wasaaraddu waxaa ay u tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen,  waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, lana garab istaago kacdoonada ka dhanka ah argagixisada ee la isaga xoraynayo gaboodfallada kooxda Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...