Madaxweyne Xasan sheekh oo la kulmay Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

Date:

Muqdisho, Sebteembar 11, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada.

Soomaaliya ayaa ka codsatay Midoowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...