Xukuumada Dawlada Deegaanka Somaalida Galbeed oo deeq gaarsiisay maamulka Gobolka Hiiraan

Date:

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Degmada feer-feer ee Gobalka shabelle ee Dowlad Deeganka soomaalida ee Ethiopia ayaa kulan la qaatayย  masuuliyiin ka soctay Dowlad deeganka somaalida uu Hogaaminayo Hogaan ku-xigeenkaย  Nabad-galyada Dowlad deeganka iyoย  Gudoomiyaha Gobalka Shabelle mudane Aadan Ahmed sooyaan iyo madaxda hogaanka xafiiskaย  Nabad-galyada ee Dowladย  deeganka somaalida iyo saraakishooda,

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Maamulka Gobalka shabelle ee Dowlad deeganka somaalida kala wareegay sahay Gar-gaar oo ay ku garab istaagayeen gulufka Howlgalada ka Dhanka ah Qawaariijta Al-shabaab Ee lagula dagaalamayo Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Shabelle Mudaneย  Aadanย  Ahmed sooyaan ,ayaa Maamulka Gobalka hiiraan ku Wareejiyey Deeq garab istaagid ah oo Dowlad Deeganka somaalida ee ugu Tala galeen Howlagalka ka dhanka maleeshiyada Argagixisada Al-shabaab oo isugu jirto qalab ciidaan Adeegyo cafmaad, Gawaari, iyo Raashiin.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa u mahad-celiyey madaxda sare ee Dowlad deeganka somaalida Gudoomiyaha Gobalka shabeele iyo hogaan ku-xigeenkaย  xafiiska Nabad-galyada ee Dowlad deeganka iyo saraakisha Ciidamada ee Liyuu-poolice asigoo xusay in aay Qeyb ka tahay Dareenka walaalnimo Ee Dhexyaalo Qaluubta shacabka soomaaliyeed Taas oo ah mid aaysan Birina goyn karin biyane meyri karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale