Ra’iisul Wasaare Hamse oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah
magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...