Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi  buuxa oo dhexmara dowladaha ku bahoobay madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay  la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda oo iskugu tashi ka yeelata  cunna yerida aduunka soo wajahdey iyo  sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxay  shirkan u dhexeeyey Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika.

 

 

Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago  abaaraha soo noqnoqday  iyo daryeel xumada ay wajahayaan  malaayiin ruux oo Afrikaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...