Shirka Istiraatiijiyadda Isbadalka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD Oo ka furmay Mombasa Kenya

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada DFS, ayaa ka qayb galay shirka hadlayo Istiraatajiyadda Isbeddelka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD shirkaas oo lagu soo gunaanaday Magaalada Mombasa-Kenya 26.08.2022.

Shirka oo ay ka qaybgaleen hey’ada kala gadisan oo ka socda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu meel mariyay Istiraatiyadda Isbeddelka Cimilada ee Wadamada IGAD.
Agaasimaha Guud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay ayaa iftiimiyay saamaynta isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Isbeddelka cimiladu waxa ay si ba’an u saamaysay dadka ku nool gobolka IGAD, waxayna khatar ku tahay hab-nololeedyada bulshada gobolka oo dhan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ay wadamada gobolku yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha baaxadda leh ee ka dhasha cimilada isbadalaysa.

Istaraatiijiyada Isbeddelka Cimilada ee IGAD iyo Qorshe Hawleedka ku lifaaqan waa istaraatijiyad lagama maarmaan ah oo gacan ka gaysan doonta dadaalka ay dalalka gobalku ugu jiraan wax ka qabashada saamaynta isbaddelka cimilada.

Istaraatajiyaddu waxa ay xooga saaraysaa la-qabsiga isbaddelka cimilada iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa 11 waaxood oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kheyraadka Badda, Dhirta iyo Noolaha kala duwan iyo Kaabayaasha dhaqaale. Waaxyahaasi waxa ay muhiim u yihiin dhaqaalaha gobolka iyo kan dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qayb firfircoon ka qaadaynaysaa sidii loo dhaqan galin lahaa Istaraatajiyadaas waddamada IGAD ay ansixiyeen. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay dejin doontaa Istaraatajiyad gaar u ah dalkeena taas oo ku salaysan Istaraatajiyadda guud ee gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...