Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada hormuudka u ah ololaha nadaafadda xeebaha Muqdisho, taas oo lagu dhiirrigelinayay kaalinta wax-ku-oolka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda bilicda caasimadda iyo kobcinta dhaqanka iskaa wax u qabso.

Guddoomiyaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa ololaha dhallinyarada ku tilmaamay mid xambaarsan mas’uuliyad qaran, kana tarjumaya wacyiga bulshada iyo dareenka lahaanshaha caasimadda. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii laba jibbaari doono taageerada uu siiyo barnaamijyada ay hormuudka ka yihiin dhallinyarada, kuwaas oo laf-dhabar u ah hirgelinta himilada lagu dhisayo caasimad nadiif ah, bilicsan, deegaan ahaan bedqabta, isla markaana dib u soo ceshata maqaamkii ay ku lahayd dunida.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameerika), agaasimayaal heer gobol, guddoomiyeyaal degmooyin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay doorka muuqda ee ay dhallinyaradu ka qaadanayaan ilaalinta nadaafadda xeebaha iyo bilicda caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...