Safiirka ay JFS u magacawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Ahmed Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga guddoomayey warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan).

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Safiirka ku wehlinayey diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda.

Marka ay gaareen aqalka Madaxtooyada ee dalkaas Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuska oo ay maraan Safiirada.
Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhanbaalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.
Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii bahalnnimo ay dhawaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka sameeyeen kooxaha argagixisada ee alshabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dowladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn isku afgartay in ay xoojiyaan xiriirka qotada dheer ee Hindiya iyo Soomaaliya oo dhincyo badan khuseeya.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa xiriiro kala duwan la leh dalka iyo dadka reer Hindiya sida arrimaha caafiimaadka, waxbrashada iyo gancsiyada kala duwan oo ay labada dhinac kawada faa’iideystaan.

Ugu dambeyn munasabadda gudbinta aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Hindiya ayaa ku soo idlaatay jawi daganaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...