Madaxweynaha Qaranka oo Qaabilay Madaxda Hay’adda WFP. (SAWIRO)

Date:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.

Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...