Xal Laga Gaaray Dilal ka Dhacay Gobolka Hiiraan (SAWIRO).

Date:

Waxaan heshiish hordhac ah laga gaaray dilal maanta ka dhacay meel u dhaw Degmada Matabaan oo ay ku dhinteen ilaa 4 Ruux.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan ayaa gaaray gilinkii dambe ee maanta Matabaan.

Masuuliyiinta ayaa Degmada shir kula yeeshay Odoyaasha wax garadka iyo dadkii geerida gashay si looga hadlo wixii dhacay.

Madaxda halkaasi gaaray ayaa u jeedku ahaa hadii dilalka sii socdaan ay keeni karto dhibaato kale oo dadka ku imaan karto islamarkaana xal laga gaaro.

Dood dheer Odoyaasha iyo madaxda waxay isku af garteen in wax walba dhinaca nabada laga fiiriyo xalna la gaari doono.
.
Iyadoo hada saf looga soo wado jeedo dagaalka Shabaab oo inta badana laga saaray dhulka miyiga ah.

Gudomiyaha Degmada Matabaan ayaa qeyb ka ahaa xalinta colaada, waxaana lagu heshiiyay in wax walba xal laga gaari doono, waxaana masuuliyiinta sheegeen In ay jiri doonaan kulamo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...