RW Xamse Oo Kulankii Ugu Horeeyayq La Qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo ka duulaya baahida loo qabo dardar gelinta howllaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa kulankii ugu horreeyey maanta la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno laga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada, waxayna soo bandhigeen Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha.

Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in howlaha gurmadka la dardargeliyo, maadaama ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...