16-sano Guurada Galmudug Oo Lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRO).

Date:

Munaasabad Lagu Xusayay 16 Sano Guurada Galmudug Kasoo Wareegtay Markii La Aasaasay Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Oo ay soo Abaabuleen Galinyarada Galmudug Ee Gobolka Banaadir ayaa Waxaa Kasoo qayb Galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Ee Deegaan Doorashadoodu tahay galmudug, masuuliyiin ka tirsan galmudug, qaar ka mid ah Aasaasayaashii galmudug, qorbajoog, fanaaniin, Aqoon yahano iyo marti Sharaf kale.

Inta aay socotay Munaasabadda ayaa laga sheekeeyay Heerarkii uu soo maray Dhismaha Galmudug iyo Caqabadihii laga Soo Gudbay. Wasiir hore Galmudug Abdiqaadir Ali Jaamac Qalabxoor oo ka mid ahaa aas aasayaashii Galmudug ayaa Sheegay dhismaha galmudug loo dhanyahay laga soomaray Caqabado Culus.
“Waxaa Farxad weyn ii ah 16sano kadib inaan caawa joogo Dabaal dagga Maamulka oo San Geed fariisi usoo ahaa Maalmo badan si loo dhiso Galmudug” ayuu Yuri Wasiir Qalab-xoor.

Xildhibaan Abdirahman Cagaweyne iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi ayaa sheegay Inay ka Shaqeyn doonaan Galmudug Xor ah, Nabadoon oo Deegaanadoodu Nabad Loogu Dabaal Dago.

16 8 2006 Ayaa Galmudug aas aaskeedi Laga Bilaabay Koofurta Galkacyo Waxaana labalaariyay 2013kii kolkaasi aay isku Biireen Maamuladii Gobolada Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...