16-sano Guurada Galmudug Oo Lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRO).

Date:

Munaasabad Lagu Xusayay 16 Sano Guurada Galmudug Kasoo Wareegtay Markii La Aasaasay Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Oo ay soo Abaabuleen Galinyarada Galmudug Ee Gobolka Banaadir ayaa Waxaa Kasoo qayb Galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Ee Deegaan Doorashadoodu tahay galmudug, masuuliyiin ka tirsan galmudug, qaar ka mid ah Aasaasayaashii galmudug, qorbajoog, fanaaniin, Aqoon yahano iyo marti Sharaf kale.

Inta aay socotay Munaasabadda ayaa laga sheekeeyay Heerarkii uu soo maray Dhismaha Galmudug iyo Caqabadihii laga Soo Gudbay. Wasiir hore Galmudug Abdiqaadir Ali Jaamac Qalabxoor oo ka mid ahaa aas aasayaashii Galmudug ayaa Sheegay dhismaha galmudug loo dhanyahay laga soomaray Caqabado Culus.
“Waxaa Farxad weyn ii ah 16sano kadib inaan caawa joogo Dabaal dagga Maamulka oo San Geed fariisi usoo ahaa Maalmo badan si loo dhiso Galmudug” ayuu Yuri Wasiir Qalab-xoor.

Xildhibaan Abdirahman Cagaweyne iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi ayaa sheegay Inay ka Shaqeyn doonaan Galmudug Xor ah, Nabadoon oo Deegaanadoodu Nabad Loogu Dabaal Dago.

16 8 2006 Ayaa Galmudug aas aaskeedi Laga Bilaabay Koofurta Galkacyo Waxaana labalaariyay 2013kii kolkaasi aay isku Biireen Maamuladii Gobolada Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...