Madaxweynaha Hiirshabelle oo maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Maamulka Hirshabeelle.

Date:

Muqdisho: 08, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda, Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Ku Xigeenadiisa, Xubnaha Golaha Xukuumadda, Lataliyaal sar sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Kulan wadareedkaan oo ah kii 1aad ee nuuciisa ah oo xukuumadu qabato waxaa  socon doonaa labo Maalmood waxaana looga hadli doonaa barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee Golaha Wasiiradda iyo Wasaaradaha iyadoo la xaqiijin doono wadajirka iyo wadashaaeynta Golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...