Ra’isulwasare Hamse oo uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, oo uu horgeeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ka dib, fadhi ay yeesheen Golaha oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 229 mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada;

Arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, horrumarinta hannaanka federaalka, dib-u-heshiisiinta, Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Sidoo kale, Xukuumadda ayuu xusay in ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...