Kooxda Islaamig Jihaad oo boqolaal gantaal ku garaacay magaalooyiinka Israa’iil

Date:

Duqaynta diyaaradaha dagaalka ee Israel ku hayaan Gaza ayaa lagu dilay xubin sare oo kale oo ka tirsan garabka milatari ee ururka Islamic Jihad.

Milatariga Israel ayaa sheegay in Khalid Mansuur ahaa ninkii ugu miisaanka cuslaa ururka waxaana lagu dilay xero qaxooti oo ku taal magaalada Rafah.

Ugu yaraan sideed iyo labaatan Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix caruur ahi ayaa ilaa haatan la soo wariyey in ay lagu dilay dagaalkan bilaabmay Salaasadii.

Israa’iil waxay sheegtay inay isku dayayso inay ka hortagto khatar toos ah oo kaga timaada kooxda Islaamiga jihaad.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 15 Falastiiniyiin ah lagu dilay marinka Qaza, halkaas oo millatariga Israa’iil ay ku bartilmaameedsanayaan xubno ka tirsan kooxda

Ilaa 300 oo gantaalo iyo hoobiyeyaal isugu jira ayay falastiiniyiinta dhankooda ku garaaceen Israa’iil tan iyo Jimcihii, sida uu sheegay sarkaal Israa’iili ah.

Milatariga Israel ayaa ka digaya hawlgalkii ugu dambeeyay – ee loogu magac daray Breaking Dawn – uu socon karo muddo toddobaad ah.

Dhanka kale ilaa 19 xubnood oo ka tirsan kooxda islamig Jihaad ayaa lagu xiray hawlgallo laga fuliyay Daanta Galbeed , sida ay sheegtay Israel.

Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay howlgalada sii wadi doonaan.

wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgalkan looga gol leeyahay in lagu soo afjaro halis ka imanaysa kooxha falastiiniyiinta islamarkana ay ku dadaalayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada lagu soo qaado koonfurta Israa’iil.

Dhanka kale gambaleelada bixiya digniinada gantaalada ayaa ilaa shalay galankii dambe laga maqlayay magaalooyinka Israa’iil.

Balse ilaa hadda ururka Xamaas oo ah kooxda ugu weyn ee ka dagaalanta dhulkaas – oo leh fikrado la mid ah kuwa Islaamiga Jihaad ayaan u muuqan in ay qeyb ka yihiin madaafiicda lagu turayo israa’iil.

Arrintan waxay sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...