DHAGEYSO+SAWIRO] DFS iyo Galmdug oo shir ka yeeshay xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaarta ka jirta Galmudug

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...