Madaxweyne Qoor-Qoor oo Bogaadiyey Doorashada golaha deegaanka ee Cadaado ka bilabatay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

Ugu danbayn madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...