Madaxweyne Qoor-Qoor oo Bogaadiyey Doorashada golaha deegaanka ee Cadaado ka bilabatay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

Ugu danbayn madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...