Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaas oo Bishiiba Mar la qabto

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto,kaas oo ay goobjoog ka haayeen Laamaha Amniga.

Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada Ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...