Muqdisho-31-7-2022-:Maamulka Degmada Kaaraan oo gacan ka helaya Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir Ayaa xalay Howlgal balaaran oo amniga lagu xaqiijinaayo ka sameeyey Guud ahaan Degmada Kaaraan waxaana Howlgalka lagu soo qabtay Qamri calaq xashiish oo lagu iibinaaye Degmada kaaraan.
Ciidamada Amniga ayaa intii uu howlgalkaan socday gacanta ku dhigay sidoo kale dad lagu eedeeyey inay dhac ka geysanayeen degmada Kaaraan iyo hubkii ay wateen kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka.
Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Somalia iyo Guddoomiyaha degmada kaaraan abshir kaaraan ayaa kawarbixiyey howlgaladaan.