Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd

Date:

Muqdisho, Luuliyo 26, 2022- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Xoghahaya Jaamacadda Carabta, xaaladda dalka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Alshaabaab, isagoo tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato Ururkan oo xubin muhiim ah ay ka tahay.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka arrinsaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin lahaayeen gacanta ay ka geysanayaan howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

 

Dhankiisa, Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabtu ay garab-taagan tahay qorsheyaasha dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ugu hambalyeey dib u doorashada iyo hiigsigiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis ah.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...