Madaxweyne ku xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland oo maanta dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Date:

Muqdisho-25-7-2022-:Madaxweyne ku xigeenka  Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa maanta dhagax dhigeen dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga Xarunta Laanta 2aad ayaa sheegay muhiimadda ay u leedahay hirgelinta dhismahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda gaar ahaan Laanta 2aad ee Hay’adda oo u adeegta deegaanada Jubbaland.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda adeegyada ay ka bixiso deegaanada Jubbaland isagoo sidoo kalane ku tilmaamay dhismaha xaruntaan in ay muhiimad gaar ah u leedahay in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

 

Xaruntan ayaa u adeegi doonta muwaadiniinta iyo dadka ajinabiga ah ee ku nool Jubaland iyo deegaanada ku dhow ee baahida u qaba adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka maadama Jubaland ay xuduud aad u dheer la wadaagto dalalka dariska ah, waxaana dhismaha xaruntaan  oo ka kobnaan doonta labo dabaq iyo goobihi kale ee adeega dadweynaha la qorsheeyay in la soo gebagabeeyo dhamaadka Sanadkan,

 

Ugu dambeyn, waxaa  Agaasimaha Guud ee HSJ dhagax dhigeeda ku wehlnayey K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mdne, Xasan Cabdulqaadir Maxamed  iyo Lataliyaha sare ee HSJ Mdne, Mahad Cabdi iyo Madaxda iyo Saraakiisha Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...